Amaaan, garab-siin iyo awoodda in la codsado dheeraad

Kommunal waa mid ka mid ah ururada shaqaale ee ugu weyn Iswiidhan. Xubnahayaga badankoodu waxay ka shaqeeyaa dhanka waaxda daryeelka bulshada. Kommunal waxay u hawlantahay in la helo nolol shaqo oo amaan iyo cadaalad dheeraad ah leh – si aad u hesho mushahaaro sareysa, wakhtiyo shaqo oo fiican iyo deegaan shaqo oo wanaagsan.

Sex personer i olika typer av arbetskläder står bredvid varandra och ler in i kameran.
Foto: Kommunal

Yaa ka mid noqon kara?

Kommunal waa urur shaqaale looguna talogalay adigaaga u shaqeeya degmo iyo gobol, kaniisad, waaxda ururada daryeelka bulshada, beeraha ama shirkado gaar loo leeyahay, (ee u shaqeeya degmo ama gobol). Waxaad ka mid ahaan kartaa iyadoo aan loo eegayn inaad haysato shaqo joogto ah, wakhti cayiman, shaqaal xilli sanadeed ama shaqo ku meel gaar ah. Haddii aad arday ka tahay mid ka mid ah xirfadaha Kommunal waxaa jirta xubinnimo arday oo xoogan looguna talogalay adiga.

Bild på Malin Ragnegård utomhus.
Malin Ragnegård, Gudoomiyaha ururka Kommunal
Foto: Kommunal.

Ka mid noqon isbaddalka aad rabtid inaad aragto

Waxaan rajaynayaa in aad rabto inaad si wadajir ah wax iila qabato oo aad ka mid noqoto Kommunal. Waxaanu nahay dhaq-dhaqaaq cajiib ah lehna in ka badan hal milyan oo xubnood oo raba inay wax ka baddalaan mushahaarooyinka iyo xaaladaha shaqo in ay sii fiicnaadaan. In aynu badanahay ayaa leh mahadaas ah in aynu leenahay awood lagu xisaabtamo: dhanka goobaha shaqo, xilliga wada-xaajoodyada miiska ka soda iyo dhanka siyaasadda. Anigu waxaal mar walba ogaa in Kommunal ay shabakad difaac oo amaan ah ii ahayd aniga haddii wax qaloocdaan dhanka shaqada. Wax yarna maaha in Kommunal ahayd dugsigayga aan ku bartay sida isbaddal loo sameeyo iyo awoodda aynu wadajir u leenahay.

Soo dhawow!

Malin Ragnegård, Gudoomiyaha ururka Kommunal

Waxaas oo dhan waxaad ku helays aa xubinnimada!

  • Caawin iyo amaan dhanka shaqada ah

    Xubin ahaan ku jira Kommunal waxaad talo-bixin iyo taageero ka helaysaa khabiiryadayada, haddii ay wax ka dhacaan shaqada. Heshiiska guud ee shaqaalaha wuxuu nidaamiyaa shuruudaha shaqo ee muhiimka ah oo sharci-yaqaanadayada ayaa la helayaa haddii xaalad adag jirto oo aad u baahantahay caawin. Intaas waxaa dheer in aad si fiicanu u ogaan karto waxa jirasababtoo ah waanu garanaynaa xirfadaada iyo laantaada shaqo.

  • Ka warhaynta mushahaarooyinka iyo fasaxa

    Ma rabtaa inaad ogaato in mushahaaradaadu tahay sax? Waxaan kaa caawinaynaa inaad ogaato aasaasyada mushahaaro, horumarinta mushahaaro, heshiiska guud ee shaqaalaha iyo wixi kale ee raad ku yeelanaya mushahaaradaada, si aad u awooddo inaad wax dheeraad ah ka hesho wada hadalka mushaharka ama dhanka wada xaajoodka mushahaaro ee dhinaca shaqo cusub. Waxaad xitaa helaysaa taageero dhanka arrimaha ku saabsan fasaxaaga!

  • Caymisyo ayaa ku jira xubinnimada

    Xubin ahaan ka tirsan Kommunal waxaad kaydsan kartaa cel-celis ahaan 417 karoon/bishiiba iyadoo ah dhanka qorshahayaga caymis ee manaafacaadka leh.

     Xubinnimada waxaa ku jirta:

    • Caymiska guriga
    • Caymiska shilka
    • Caymiska dakhliga (taas oo dhammaystir u ah qasnadda shaqo la’aanta)
    • Caymiska nolosha
    • Caymiska carruurta
  • Lacag dheeraad ah oo ku soo harta xisaabta

    Waxaad helaysaa talo-bixin dhanka horumarinta mushahaaradaada taasi waxay oo wax ku ool fiican ku leedahay mushahaaradaada. Intaas waxaa dheer in ay lacag kuug kaydsamayso dhanka qiimo dhimisyada xubinnimo iyo caymisyada ku jira xubinnimada.

  • Waxaanu u hawl-galnaa shuruudo sii fiicnaada

    Wadajir ayaanu wada xaajood ku gaarnaa shuruudo shaqo oo sii fiicnaada dhanka laamaheena shaqo. Waxaanu saamayn ku yeelanaa siyaasiyiinta dhanka arrimaha innaga ina khuseeya, sida in la helo saaxiibo shaqo oo badan iyo mushahaarooyin sinnaan leh. Waxaad xitaa helaysaa taageero ah in aad si wadajir ah dadka kula shaqeeya aad raad ku yeelataan arrimihiina muhiimka ah.

  • Wax dheeraad ah baro

    Waxbarashooyinkayaga (oo ah dhijitaal ama dhanka kulamo toos ah) waxaad ku barankartaa wax walba oo aad u baahantahay inaad ka ogaato xuquuqaha aad leedahay iyo sida aad si dheeraad ah aad raad ugu yeelan karto shaqada. Waxaad xitaa heli kartaa deeq waxbarasho taas oo keenaysa in aad dhaqaale ahaan awooddo inaad wakhti ku qaadato.

PS: Waxaad adigu kaydsan kartaa dhowr boqol oo lacag ah bil walba!

Xubin ahaan waxaad helaysaa tiro badan oo ah casuumado iyo qiimo-dhimisyo ah dhan walba laga bilaabo daryeelka wakhti firaaqo, farsamada iyo safaro ah farxad iyo tamashlayn. Waxaa intaas dheer inaad helayso joornaalka xubnaha, amaah xubin ahaan oo manaafacaad leh, caawin arrimaha sharciyan ah marka loo baahdo oo waxaad xitaa helaysaa aaladda habka nolosha ee Balans & Hälsa.

Soo jiid qof aad wada shaqaysaan – hel kaarka hadyadda

Marka adigu xubin ahaan aad noo soo jiido saaxibadaada shaqo waxaad kala dooran kartaa tiro ah kaarar hadyado oo kala duwan oo qiimahoodu yahay 200 karoon, calaa xubin walba oo cusub!

Wixi dheeraad ah ka akhri kommunal.se/kollega

Ka warhaynta xaaladda? Noqo wakiil!

Miyaa adiga ama dadka aad wada shaqaysaan aad rabtaan inaad wax ka baddashaan goobta shaqada? Jadwalku ma idiin shaqeeyo idinka miyaa? Miyaad u baahan lahaydeen kabo shaqo? Miyaa loo baahanyahay in shaqooyinka si fiican loo buuxiyo? Waa adiga iyo dadka kula shaqeeya kuwa og waxa goobta shaqada si fiican uga soconaya iyo waxa aan sidaas ahayn. Wakiilka goob shaqo ahaan waxaad haysataa kalsoonida dadka aad wada shaqaysaan in aad ahaato wakiil urur shaqaale oo waxaad noqonaysaa xiriirka u dhaxeeya dadka aad wada shaqaysaan, shaqo-bixiyaha iyo Kommunal. Adiga iyo dadka aad kula shaqeeya, si wadajir ah ayaad u samayn kartaan isbaddal. Run ahaan ah.

Qiimo dhimis dhanka xubinnimada ah!

Marka aad lacagta ku bixiso in si otomaatig ah lagaaga goosto waxaad helaysaa qiimo-dhimista soo dhaweynta: waxaad bixinaysaa oo keliya 80 karoon labada bilood ee ugu horeeya. Ka dib ayaad bixinaysaa khidmad calaa bil ah oo ku salaysan dakhligaaga calaa bil. Wixii dheeraad ah ka akhri kommunal.se/rabatt.

Miyaa adiga ama qof aad wada shaqaysaan rabtaan in aad wax dheeraad ah ka ogaataan xubinnimada?

Markaas waad na soo wici kartaa ama noo soo dir e-mail. Waxaad xitaa fariinta sms u soo diri kartaa 71140 oo soo raacinaysaa erayga Tipsa kuna xigsii meel banaan. Ka dib qor magaca, lambarka moobilka iyo e-mail-ka iyo fadlan wakhtiga aad rabto in lagu soo waco. Waxaan kula soo xiriiri doonaa wakhti dhow, mar walba hal maalin gudaheed!

Wadajir ayaynu ku noqonaynaa xoog iyo amaan

Si loo helo shuruudo fiican, mushahaaro fiican iyo amaan dheeraad ah. Ka mid ahow oo qaab u yeel nolosha shaqo ee mustaqbalka.

Noqo xubin maanta!

Dela sidan

Kontakta Kommunal

Har du frågor om medlemskap eller behöver du hjälp i något som rör ditt arbetsliv? Ring, så hjälper vi dig!

010-442 70 00Öppettider och andra kontaktvägar