Urur hoosaadkaan shaqaale waxaa la dhahaa Kommunal - Det här är Kommunal (somaliska / soomaali)

Dad ka badan 500 000 ayaa xubno ka ah Kommunal. Waxaan ku jirnaa 230 shaqo xirfadeed kala duwan waxaanna udub dhexaad u nahay sistemka daryeelka iyo nabadgelyada ee Iswiidhan. Waxaan qabanaa shaqooyin muhiim ah isla markaana xiiso oo aan ku faanno.

Tiradeenna badan faa’idooyin badan ayaa kuugu jiro. waxaad heleysaa gabbaad baaxad weyn, aqoon uruursan iyo awood aad isbedel ku sameyn karto. waxaad heleysaa fursado aad hormar ku sameyso, xog ogaalnimo iyo nabadgelyo.

Xubnaha ururka Kommunal dadka da’da ah ayey daryeelaan, ardayda iskoollada ayey qado u kariyaan waxeyna xanaaneeyaan carruurta dhigata dugsiyada xanaanada carruurta iyo iskoola xilli firaaqaha. Waxaan wadnaa basaska, waxaan daminnaa dabka, waxaan hagaajinaa tubada qiiq saarka waxaana kaxeynaa ambalaas. Waa isla annaga kuwa dhaqa xoolaha oo daryeela, kuwa hagaajiya garoonka ciyaarta golofta, annaga ayaana wadna mashiinnada wax lagu abuuro ee dhul beereedka waddanka.

Kommunal wuxuu u shaqeeyaa dadka xubnaha ka ah

Kommunal waxuu ka warhayaa waxyaabaha dadka xubinta ka ah ey dani ugu jirto haddii ey ahaan laheyd suuqa shaqada iyo bulshadaba. Qof kasta waxuu xaq u leeyahay shaqo wanaagsan, goob shaqo oo fiican iyo inuu ra’yigiisa shaqada ka dhiiban karo. Waxaan kaloo ka shaqeynaa si ey xubnaha ururka u helaan xuquuq ey wax ku bartaan isla markaana khibraddooda shaqada kor ugu qaadaan.

Shaqo caalami ah

Kommunal waxuu rabaa inuu saameyn ku yeesho shuruudaha shaqo ee goobo kale oo adduunka ka mid ah. Waxaana iskala kaashannaa ururo shaqaale oo caalami ah iyo inaan tusaale ahaan isku dayno inaan saameyno go’aamada ey gaaraan midowga yurub.

Xubin ka noqo

Haddii aad xubin ka tahay Kommunal waxaa heleysaa caawimaad ah in lagu hormariyo adiga iyo shaqadaadaba. Waxaad heleysaa talo khibradeed ku saabsan shaqadaada haddii ey wax kugu dhacaan. Waxaa intaas kuusii dheer ceymisyada guriga iyo shilalka kuwooda ugu fiican ee suuqa ka jira.

Ma rabtaa inaad xubin ka noqoto ururka ama ma qabtaa su’aalo ku saabsan xubin ka ahaanshaha ururka? Waxaad nagala soo xiriiri kartaa taleefanka 010-442 70 00.

Urur hoosaadkaan shaqaale waxaa la dhahaa Kommunal - Det här är Kommunal (somaliska / Soomaali)

Dela sidan

Kontakta Kommunal

Har du frågor om medlemskap eller behöver du hjälp i något som rör ditt arbetsliv? Ring, så hjälper vi dig!

010-442 70 00Öppettider och andra kontaktvägar